Waa maxay ‘STI’?

STI waxay u taagan tahay Infakshanka lagu Gudbin karo Galmoodka.

STIs waaa cuduro aad ku qaadi karto galmoodka.


Sidee ku qaadi karaa STI?


STI wuxuu ku nool yahay maqaarka, dhiigga ama dheecaanka galmoodka sida shahwada, iyo dheecaanka qaybta taranka dumarka

Waxaad qaadi kartaa STI adiga oo galmood sameeya (siilka, dabada ama afka) ama taabta qaybta taranka dumarka.

Waxaad qaadi kartaa STI haddii aadan isticmaalin galxuub (kondhom).

Maxay STI yeeshaa jirka?


Dumarka STI waxay u keeni kartaa:

  • Calool xanuun daran
  • Dheecaan ka yimaada cambarka
  • Dhibco agagaarka cambarka ka muuqda
  • Ilmaha oo ku kora ilma-galeenka banaankiisa
  • Dumarka oo dhala ilmaha waqti hore (dhicis)
  • Ilmaha oo aad xanuunsada

Ragga STI qabaa

  • Waxay ka joojin kartaa in ninku ilma dhalo
  • Waxay u keentaa dheecaan ka yimaada guska
  • Dhibco ku yaalla guska

Wuxuu u keenaa xannuun markaad kaadshayso

Sidee ku ogaanayaa in aan qabo STI?


Dad badan ayaan ogayn inay qabaan STI sababtoo ah waxay u muuqdaan oo dareemaan ladnaan mana jiraan calaamado ama astaamo. Sida keliya oo lagu ogaan karaa waa in lagu baaro. Waxaa jira baaritaano kala duwan ee STI-da kala duwan. Baaritaanadu waa:
• in la baaraa kaadidaada
• waa in la baaraa dhiigaaga
• qaybahaaga taranka waa in laga qaadaa dheecaanka infakshanka

Waxaa laga yaabaa inaad samayso hal baaritaan ama dhamaan saddexda baaritaan. Dhakhtarkaaga ayaa kuu sheegi doona baaritaanka la samaynayo.

STI ma lala tacaali karaa mase la daaweyn karaa?


STI qaarkood si degdeg ah ayaa loogu daaweyn karaa si sahala daawo. Kuwa kalena waa lala tacaali karaa laakiin lama daaweyn karo.

Waxaa kugu dhici kara STI mar kale marka daawadu dhamaato lana daaweeyo STI-ga.

Goorma ayay tahay in aaan isbaaro?


Waa inaad samaysaa baaritaanka STI haddii

• aad galmood samayso (galmoodka siilka, dabada ama afka) kondhom la’aan (galxuub la’aan)
• aad leedahay astaamaha
• aad ka welwelsan tahay caafimaadkaaga galmoodka
• aad u malaynayso STI inaad qabto
• haddii kondhomku kaa dilaacay markaad wax samaynaysay ama kaa dhacay
• adiga ama xaaskaagu qof kale galma la sameeyeen
• adiga ama xaaskaagu galmood la sameeyeen qof kale muddo hore
• aad la wadaagtay irbado, silinge, malgacad ama si aad isugu durto daroogo
• aad bilawday xiriir galmood cusub

Waa maxay baaritaanka STI?


Waa wax sahlan, xanuun ma leh waana lacag la’aana badanaa. Kuwaan waa lagu kala duwanaan karaa ragga iyo dumarku. Dhakhtarka ama kalkaalisada caafimaadka ayaa qaadi doona wax jirka ka yimid sida kaadi, candhuufo, dheecaanka taranka dumarka, ama dhiig. Baaritaanada qaarkood adiga ayaa samayn kara.

Waxay qaadataa 1 ilaa 2 asbuuc si lo hello natiijada baaritaanada.

Baaritaankaygii ayaa muujiyey ‘in wax jiraan’. Maxaa samayn karaa?


Haddii baaritaanku muujiyey in wax jiraan taas oo macneheedu tahay in aad qabto STI. Dhakhtarka ayaa ku siin doona daawo taas oo si sahala oo degdeg ah loo isticmaali karo. Xasuuso, mararka qaarkood STI-da waa lala tacaali karaa ama la daaweyn karaa.

Ma loo baahan yahay in aan u sheegi qof in aan qabo STI?


Waa inaad u sheegtaa qofkaad galmada wadaagtaan, waana in qofkaasi is baaraa. Haddii qofka aad galmada wadaagtaan aanu isbaarin oo aanu qaadan daawo, dib ayaad cudurkii isu qaadsiinaysaan.

Haddii aadan u sheegan qofkaad wadaagtaan galmada, weydii dhakhtarkaaga ama kalkaalisada caafimaadka inay u sheegaan. Taas waxaa loogu yeeraa ‘daba galka raadka’.

Maaha inaad u sheegto
• Qofka madaxda kuu ah
• Qofkaad wada shaqaysaan
• Saaxiibadaa
• Qoyska

Sidee ku xaqiijin karaa in aan qof kale u gudbin STI?


• Ha samayn galmood ilaa adiga xaaskaagu aad dhamaysaan daawada
• Isticmaala kondhom

Sidee isaga ilaalin karaa in uu igu dhaco STI?


Sida ugu fiican oo looga fogaan karo in uu kugu dhaco STI waa in la isticmaalo kondhom mar walba oo aad galmood samayso.

More information