Waa maxay HIV?
HIV waa magaca fayraska iyo jirrada ay sababto.
H= aadami – dadka ayaa qaada
I= diciifnimada difaaca – wuxuu weeraraa habdhiska difaaca
V= fayras – subaac kaa dhiga mid buka
Sidee ku qaadayaa HIV?
Kuma garan karto qofka oo aad fiiriso haddii uu qabo HIV. Badanaa dadka qabaa waxay u muuqdaan kuwa caafimaad qaba oo fiican.
HIV wuxuu ku nool yahay dhiigga, dareeraha ka dhasha isu galmoodka iyo caanaha naaska. Waxaad qaadaysaa HIV haddii kuwaas mid ka mid ahi u gudbo dhiig qaadayaashaada. Siyaallaha caamka ah ee lagu qaado HIV waxay ku yimaadaan:
• iyada oo aan la isticmaalin kondhomka marka labada qof isu tegayaan
• wadaagista silingaha, irbada ama malgacadaha loo isticmaalo isku duridda daroogada
• qalabka loo isticmaalo duridda jirka iyo taatuu isku samaynta ama isku qurxinta oo aan la nadiifin
• caanaha naaska
• labada dhiig oo is gaara sida dhiig isku shubida iyo talaalida xubin jireed oo ka dhacda wadamada aan baarin HIV-ga. Australia Dhiig isku shubida ama xubno isku talaalidu waa amaan haddii la raaco dhamaan shuruucda amaanka.
Ma qaadi karto HIV adigoo:
• habsiinaya qof
• qufaca ama hindhisa
• la wadaaga cunto ama cabitaan
• cunaya cunto uu sameeyey qof qaba HIV
• dhiig isku shubid iyo qaliin kale oo lagu sameeyey Australia
• isticmaalidda isla musqushii uu isticmaalay qof qaba HIV
• qaniinyada xasharaadka ama qaniinyada xayawaanka
• kulanka joogtada ah ee qof qaba HIV
• ku dabaalashada harada biyaha ama isticmaalka goobta jirdhiska
Muxuu HIV ku sameeyaa jirka?
HIV wuxuu weeraraa habdhiska difaaca. Habdhiska difaaca wuxuu la dagaalamaa infakshanka wuxuuna kaa difaacaa inaad bukooto. HIV ayaa ka dhiga habdhiska difaaca daciif kumana difaaci karo. Haddii aadan qaadan daawada HIV, aad ayaad u jiran kartaa.
HIV iyo AIDS-ku isku mid miyaa?
Maya.
HIV waa fayras dila unugyda difaaca jirka.
AIDS-ku maaha fayras.
AIDS-ku waa cuduro ama jirooyin ee aan badanaa dhicin oo weerara jirka marka hab-dhiska difaacaagu yahay daciif. Tani waxay dhacdaa keliya ka dib marka HIV-dilo badanaa unugyada difaaca jirka. Tanina waxay qaadataa sanada badan.
AIDS-ku aad buu ugu yar yahay Australia gudaheeda sababtoo ah daawada ayaa ka hortegi karta.
Inaad qabto HIV macneheedu maaha in aad u dhimanayso AIDS Australia gudaheeda.
Sidee ku ogaanayaa in aan qabo HIV?
Sida keliya ee lagu ogaan karo inaad qabto HIV waa in dhiig lagaa qaado.
- haddii natiijadu tahay ‘la’aan’ ma qabtid HIV
- haddii natiijadu tahay ‘jiritaan’, waxaad qabtaa HIV
Dad badani ma ay oga inay qabaan HIV sababtoo ah way caafimaad qabaan. Laakiin marka ugu horreeya oo HIV kugu dhaco waxaa laga yaabaa in uu kugu dhaco:
- madax xanuun
- qandho
- daal
- qanjira bararan
- cuna xanuun
- furuuruc
- muruqyada iyo isgoysyada oo ku xanuuna
- nabaro afka aad ku yeellato.
- nabaro aad ku yeellato qaybta taranka
- habeenkii oo aad dhidido
- shuban
Laakiin kuwaan waxaa keeni kara durey, hargab xun ama jirooyin kale. Haddii aad u malaynayso inaad qabto HIV waxaa waajiba inaad aragto dhakhtar aadna weydiisato baaritaan.
Maxaan samaynayaa haddii aan qabo HIV?
Waxa ugu horreeya oo aad samaynaysaa waa inaad la hadasho dhakhtarkaaga. Waxay kaloo kuu qabanqaabin karaan inaad la hadasho qof kale sida talabixiye haddii aad rabto.
Dhakhtarku wuxuu ku siin doona daawooyinka HIV. Daawooyinkaasi waxay kuu ogolaanayaan inaad muddo sii noolaato, oo yeelato nolol caafimaad qabta.
Ma la daaweyn karaa HIV?
HIV lama daaweyn karo laakiin daawada ayaa la tacaali karta.
Daawadu waxay hoos u dhigtaa qadarka fayriska ah oo ku jira dhiiga ilaa heer hoose, lagumana arki karo weyneeyaha. Waxaan ugu yeeraa tan ‘xamuulka fayraska ah oo aan la helli karin’ taas macneheeduna waxa weeye u jiran maysid HIV waxaadna yeellanaysaa nolol dheer. Haddii aad daawada si fiican u qaadato, taas macneheedu waxa weeye uma gudbin doontid HIV qof kaleeto.
Sidee uga xafidi karaa naftayda in aan qaado HIV?
• Is baar oo raadi haddii adiga ama xaaskaagu qabtaan HIV: haddii aad leedahay hal lamaane ka badan (ama lamaanahaagu galma la sameeyo dad kale), si joogta ah isu baar. Khatarta in HIV kugu dhacdo waa sarreeysa markaad leedahay kuwa badan oo aad galmood la samayso.
• Istimaal galxuubyo (Kondom)
• Is baar oo iska daawey cudurada la isugu gudbiyo cudurada faafa (STIs). Inaad qabto cudurada la isu gudbiyo (STI) waxay siyaadisaa in HIV kugu dhaco ama aad u gudbiso dad kale. Weydii lamaanayaashaada inay isbaaraan dadka kaleeto. Weydii lamaanayaashaada inay iska baaraan iskana daaweeyaan STIs iyaguna.
• Weydii dhakhtarkaaga wixii la xirira daawada loo yaqaan Pre-exposure Prophylaxis (PrEP). PrEP waa daawo kaa celinaysa inaad qaado HIV. Waxaa loogu talagalay dadka aan qabin HIV laakiin khatar ugu jira inay qaadaan.
• ‘Khatarta sarre’ macneheedu waxa weeye:
o dadka lamaanuhoodu qabo HIV
o dadka leh in ka badan hal qof oo ay isu tagaan
o ninka nin kale ay galma wada sameeyaan
o dadka aan marna isticmaalin galxuubka (kondomk) mar walba
o dadka wadaaga irbadaha, silingaha, biyaha iyo malgacadaha si la isugu duro daroogada
• Isticmaal keliya aalladaha la isku duro ee daroogada oo nadiifa iyo biyoh: Marna cid kale ha la wadaagin aaladaha la isku duro. HIV waa la isu gudbin karaa qof ilaa qof kale xataa dhibcaha dhiigga oo ay adag tahay in la arko ee irbadaha la isku duro.
• taatuu samaynta iyo jir iska durida: Keliya isticmaal istuudiyaha laysanka haysta halkaas oo irbadaha si wanaagsan loo nadiifiyo ama la tuuro ka dib marka la isticmaalo. Had iyo jeer xaqiiji inay kuu adeegsadaan khad cusub.
• Dhiigga cusub iyo hababka kale ee qaliinka: Australia gudaheeda, dhamaan dhiiga iyo wixii dhiig ka yimid iyo xubnaha jirka waa la baaraa waana amaan. Laakiin dhiig isku shubida, wixii ka yimid dhiig iyo xubnaha jirka waxaa laga yaabaa in aanay amaan ahayn wadamada kaleeto.
Sidee ku xaqiijin karaa in aanan u gudbin HIV qof kaleeto?
• Kala hadal dhakhtarkaaga wixii ku saabsan qaadashada daawada HIV. Daawada HIV waxay ka dhigtaa qadarka fayraska ee dhiiga ku jira mid hooseeya. Marka qadarka fayraska ahi aad u hooseeyo, uma gudbin karo HIV qof kaleeto. Tan waxaa loogu yeeraa Daaweynta ka Hortagga (TasP).
• Joogto ha laguu baaro: xataa haddii aad qaadato daawada HIV, weli waa in joogto laguu baaraa. Waxaa jira dhowr nooc oo kala duwan oo ah fayraska HIV waana suurta gal inaad qabto hal nooc oo HIV ah isla markaas. Daawada waxaa laga yaabaa in la bedelo haddii tani dhacdo.
• Iska talaal STIs: Daawada HIV kaa joojinmayso helida STIs. HIV way sahlan tahay in la isu gudbiyo(ama la qaado) haddii aad qabto STIs. Ha lagaa baaro STIs si joogto ah hana lagaa daaweeyo haddii natiijadu ay tahay mid muujinaysa in wax jiraan. Qofka ama qofafka aad galmoodka wada samaysaan waa in laga baaraa waxna lagala qabtaa cudurka.
• Isticmaal kondhomyo: isticmaal mar kasta oo aad galmood samaynayso
• cidna hala wadaagin irbadaha, silingaha, malgacadaha si aad daroogu isugu durto.
• Caanaha naaska: haddii aad qaadanayso daawada HIV aadna rabto si aad u naasnuujiso ilmahaaga, la hadal dhakhtarka HIV -ga.
Ma in aan u sheego cid baa haddii aan qabo HIV?
Sharci ahaan waxaa waajib ah inaad u sheegto:
• Qofka ama qofafka aad galmoodka wada samaysaan. Dawlad Goboleedyada Australia qaarkood, waxaa waajiba inaad u sheegto qofka galmada wada samaysaan ka hor inta aadan galmada la samayn. Dawlad Goboleed kastaa waa ka duwan tahay tan kale sidaas darted hubi inta aadan u safrin halkaas.
• ciidanka Difaaca Australia. Kama mid noqon karto haddaad qabto HIV.
• haddii aad tahay Duuliye
• haddii aad gadato nooc ka mid ah caymiska sida caafimaadka ama caymiska safarka
• haddii aad doonayso inaad bixiso dhiig ama xubin jireed sida kelida. Ma siin karto dhiig ama xubnaha jirka haddii aad qabto HIV.
Maaha inaad u sheegto:
• booskaaga
• qofka aad wada shaqaysaan
• qofka aad qolka wada degan tihiin
• qoyska
• qofkaad guriga ka degan tahay
• macalinka
• ardayga aad dugsiga wadad dhegataan
• saaxiibada
Dadka ay tahay inaad u sheegto waa:
• Dhakhtarkaaga si uu kaaga caawimo baarista iyo daawooyinka
• Talabixiyayaasha ama dadka qaybta ka ah daryeelka HIV si ay kuu caawimaan.
Xaggee ka helli karaa caawimaada iyo talada?
Waxaa jira kooxo bulsho oo badan oo HIV Australia gudaheeda kuwaas oo ku siin kara talo iyo caawimo.