Waa maxay kalamidiya?

Kalamidiya waa infakshan la isugu gudbiyo galmoodka (STI) waxaana dhalisa bakteeriya la yiraahdo chlamydia trachomatis.


Sidee ku qaadaa kalamidiya?


Waxaad ku qaadi kartaa kalamidiya haddii aadan isticmaalin kondhomka markaad la samayso galmoodka siilka, futada ama afka qof qaba kalamidiya.
Kama qaadi kartid kalamidiya musqulaha dadweynaha, goobaha dabaasha ee dadweynaha ama kulanka guud ee dadka kaleeto.

Maxay kalamidiya ku samaysa jirka?


Ragga

  • Ragga kalamidiya waxay kaga dhacdaa kaadi-mareenka (guska gudahiisa), malawadka, ama cunaha.
  • Kalamidiya waxay keenta xanuun iyo barar ku dhaca xiniinyaha waxayna jirro ku ridi kartaa tuubooyinka qaada shahwada.

Dumarka

  • Dumarka waxay kaga dhacdaa kalamidiya ilmagaleenka afkiisa, malawadka, ama cunaha. Haddii aan lala tacaalin, kalamidiya waxay ka joojin kartaa dumarka inay ilma dhalaan.
  • Dumarka qaba kalamidiya waxay mararka qaarkood u gudbiyaan cudurka kalamidiya ilmaha markuu dhalanayo. Xaalkaas wuxuu ilmaha infakshan kaga dhacaa sanbabka ama isha.

Sidee ku ogaanayaa in aan qabo kalamidiya?


Dadka badankood ma oga inay qabaan kalamidiya sababtoo ah ma qabaan wax calaamado ah ama astaamo ah.

Baaritaan degdeg oo kaadida ah ayaa kuu sheegi doonta haddii aad qabto kalamidiya. Waxaad kaloo samayn kartaa adiga naftaadu inaad ku samayso baaritaanka kalamidiya.

Ragga

Calamaadaha iyo astaamaha chlamydia ee ragga waxaa ku mid ah:
• guduud ka muuqda irida hore ee guska
• cuncun ama gubasho marka kaadidu soo marto
• wax aan midab lahayn oo ka soo baxaya guska.

Dumarka
Calaamadaha iyo astaamaha dumarka waxaa ka mid ah:
• waxaan caadi ahayn oo ka soo baxa siilka
• dhiig aan caadi ahayn, marka la isu galmoodo
• xunuun miskaha ah, waqtiga galmoodka
• cuncun ama gubasho marka kaadidu marayso

Maxaan samaynayaa hadduu igu dhaco kalamidiya?


Dhakhtarkaaga daawo ka soo qaado.

U sheeg qofkaad galmada wada samaysaan inaad qabto kalamidiya wediina in uu is baaro. Qofkaad galmada wadaagtaan ayaa qaadi kara kadibna dib kuugu soo celin kara. Waxay kaloo u gudbin karaan kalamidiya dadka kale.

Haddii qofkaad galmada wadaagtaan aanu hellin baaritaanka kalamidiya, weydiiso dhakhtarkaaga inuu siiyo daawo siyaada ah oo kalamidiya.

Saddex bilood kadib, adiga iyo qof kasta oo kale oo aad la samaysay galmo waa in ay iska baaraan kalamidiya mar labaad.

Ma lala tacaali karaa ama la daaweyn karaa kalamidiya?


Haa. Kalamidiya waa sahlan tahay in lagu daweeyo hal kiniini. Haddii kalamidiya mar dambe la hello, waxay qaadanaysaa muddo dheer in lala tacaalo lana daaweeyo.
Ha samaynin galmo hal asbuuc ka dib markaad qaadato daawad kalamidiya.
Mar labaad ayay kugu dhacaysaa xataa haddaad horay u qaaday.

Sidee uga ilaalin karaa naftayda in aan qaado kalamidiya?


• Adiga iyo qofkaad galmada wada samaysaan is baara. Si joogto ah isu baaraa haddii aad leedihiin in ka badan hal qof oo aad galmo la samaysaan. Khatarta inaad qaado kalamidiya waa ka badan tahay marka galmadu badan tahayba.
• Iska daaway: weydii qofkaad galmada wada samaysaan in uu/ay isbaarto si aydin u kala qaadin ama dad kale ugu gudbin.
• Isticmaal kondhoms waqtiga galmada siilka, futada ama afka.
• Kala hadal kuwa kugu cusub isticmaalida kondhoms kahor inta aydin isu tegin.

Sidee ku xaqiijin karaa in aanan u gudbin kalamidiya qof kaleeto?


• Isticmaal kondhoms waqti kasta oo aad galma samayso, khaasatan haddii haddii aad qof cusub galma wada samayseen.
• Joogto isu baar haddii aad leedahay kuwa badan oo aad isu galmootaan ama qofkaad isu galmootaan kuwa kale u tago. Waad qaadi kartaa kalamidiya xataa haddii ay horay kuugu dhacday waqti hore.

Xagee ka helli karaa caawimo iyo talo?


Waxaad caawimo ka helli kartaa:
• dhakhtar
• rugta caafimaadka galmoodka
• adeegga caafimaadka bulshada
• xarumaha qorshaynta qoyska

More information