Waa maxay jabto?

Jabtadu waa infashkan la isugu gudbin karo galmoodka waxaana keenta bakteeriyada la yiraahdo Neisseria Gonorrhoea.


Sidee ku qaadayaa jabto?


Waxaad ku qaadi kartaa jabto adigoo galmood ah siilka, afka ama futada la samayeeya qof qaba Jabto.

Waxaad ka qaadi kartaa Jabto qof kaleeto xataa haddii aanay lahayn astaamaha cudurka.

Naag uur leh ayaa u gudbin karta ilmaheeda markuu dhalanayo. Ilmaha yari wuxuu qaadi karaa infashanka indhaha wuxuuna noqon karaa indhoolle.

Kama qaadi karto jabtada musqulaha dadweynaha, goobaha dabaasha ama xiriir guud oo dad kaleeto.

Maxaa jabtadu ku samaynaysaa jirkayga?


Jabtadu waxay infashan ku ridaysaa cunaha, dabada, kaadi mareenka (dhabada kaadida), luqunta ilmagaleenka iyo indhaha.

Haddii aan la dawayn, jabtadu waxay sababi kartaa minanjaytis. Meninjaytisku waa infakshanka ku dhaca daboolka maskaxda.
Dumarka, jabtadu waxay u keeni kartaa infakshan xun wuxuuna ka joojiyaa inay ilma dhalaan.

Qofka dumarka ah ee uurka lihi wuxuu u gudbin karaa ilmaheeda markuu dhalanayo. Ilmaha waxaa ku dhici kara infashan indhaha ah oo aad u xun.

Sidee ku ogaan karaa in aan qabo jabto?


Dad badani badanaa ma oga inay qabaan jabto sababtoo ah kama ay muuqdaan calaamadaha ama astaamuhu.

Sida keliya ee lagu ogaan karo inaad qabto waa baaritaan. Baaritaanku waa degdeg waana baaritaan sahlan oo kaadida ah.

Si kale oo loo samayn karaa waa iyada oo meesha bugta wax la soo mariyo si looga baaro jabtada.

Calaamadaha iyo astaamaha Jabtada
Ragga
• cuncun ama gubasho marka la kaadshayo
• dheecaan ka yimaada guska. Dheecaankaasi badanaa waa caddaan ama jaallo
• Xiniinyaha oo barara iyo xanuun
• Guduud ka muuqda wareega irida guska
• Dheecaan ka imanaya iyo dhibsasho
• Indhaha oo infakshan yeesha

Dumarka
• Dheecaan ka soo baxaya siilka oo aan caadi ahayn
• Dhiig ka imanaya siilka
• Xanuun marka la kaadshayo
• Xanuun miskaha ah, khaasatan waqtiga galmoodka
• Dheecaan siilka ah ama dhibsasho
• Indhaha oo infakshan yeesha

Maxaan samaynayaa haddii aan qabo jabto?


• Dhakhtarkaaga ayaa ku siin doona daawo.
• U sheeg qofka galmoodku idin ka dhexeeyo ama aad isqabtaan inuu isbaaro. Haddii qofkaasi qabo jabto, waxay mar labaad kugu ridi karaa ama u gudbin karaa kuwa kale.
• Dhakhtarkaaga ayaa ku caawimi kara inaad go’aan ka gaarto cida loo sheegayo inaad qabto jabto. Dhakhtarkaaga ayaa kaa caawimaya inaad u sheegto iyaga.
• Qof galma ha la samayn, xataa adoo isticmaalaya kondhom, ilaa aad dhamaysato daawada jabtada.

Jabtada malala tacaali karaa mase la daaweyn karaa?


Jabtada waa lala tacaali karaa waana la daaweyn karaa waxaana ku filan hal irbad oo ah antibaayootik.

Had iyo jeer dhakhtarkaaga u sheeg haddii wadanka dibadiisa tagtay. Taas waxaa sabab u ah dhowr oo jabto ayaan qaalib ka ahayn Australia waxayna u baahan tahay daawa khaasa.

Ma qaadi karto Jabtada mar labaad haddii horay loola tacaalay.

Ma ka xijaabi karaa naftayda in aan qaado jabtada?


• Adiga iyo xaaskaaga ha laga baaro jabtada. Joogto ha laguu baaro haddii aad hal qof ka badan galmo la samayso ama xaaskaagu galmo la samayso qof kale. Marka dadka aad galmada wada samaysaan sii bataanba waxaa badanaya fursada aad ku qaado Jabtada.
• Adiga iyo xaaskaaga ha lagala tacaalo jabtada si aanay idinku qaadsiin ama dadka kaleeto ku qaadsiin.
• Isticmaal Kondhom markaad samaynayso galmood siilka, afka ama futuda ah. Isticmaal kondhom xataa qofkaad mudada dheer galmoodka wada samaynayseen haddii aad qof kale galmood la samayso.
• Kala hadal dadka aad galmoodka wada samaysaan wixii ku saabsan kondhomska inta aydnaan samayn galmood.

Sidee ku xaqiijin karaa in aanan jabto qaadsiin qof kaleeto?


• Qofna galmood ha la samayn, xataa adoo gashan kondhom, ilaa aad dhamaystirto daawadaada oo ka bogsooto astaamaha jirada
• Isticmaal kondhoms mar kasta oo aad galmood la samaynayso saaxiib cusub.
• Jabto si joogto ah isaga baar haddii aad leedahay wax ka badan hal qof oo galma samaysaan ama saaxiibkaa galmood la sameeyo qof kale.

Xaggee ka helli karaa talo?


Waxaad ka helli kartaa caawimo:
• dhakhtar
• rugta caafimaadka galmoodka
• adeegga caafimaadka bulshada
• xarumaha qorshaynta qoyska

More information