Waa maxay waraabow?

Waraabow waa infakshan lagu isugu gudbiyo galmada taas oo ay sababtay bakteeriyada loogu yeero treponema pallidum.

Ragga iyo dumarku waxay qaadi karaan waraabow.


Sidee u qaadayaa waraabow?


Waad qaadi kartaa waraabow adigoo:
• taabanaya qof qaba waraabow meel ka xoqan ama furuuruc leh haddii xataa nabarka iyo xoqnaanto ay yihiin mid aan muuqan.
• aad la samayso qof galmood afka, siilka ama futada adigoo aan adeegsanayn kondhom.
• taabta meel bugta
• dumarka uurka leh ayaa u gudbin kara waraabow ilmahooda

Waraabowga iyo carruurta (waraabow lagu dhasho)


Hooyada uurka leh ayaa dhiiga ugu gudbin kartaa ilmaheeda. Mararka qaarkood, ilmuhu waa dhalan karaa isaga oo dhintay ama dhaawacmay. Kaas waxaa loogu yeeraa ilma ku dhashay waraabow waana waxaan badanaa Australia ka dhicin.

Carruurtu waxay badanaa dhashaan iyaga oo aan lahayn wax calaamad waraabow ah, laakiin si xun ayay u jiran karaan.

Sidee ku ogaanayaa in aan qabo waraabow?


Badanaa ma jiraan calaamada muujinaya inaad qabto waraabow, sidaas darteed dadka qaba waraabow waxay dareemaan caafimaad iyo ladnaan. Baaritaan dhiig keliya ayaa kuu sheegi kara haddii aad qabto waraabow.

Dumarka waxaa waajiba inay sameeyaan baaritaanka waraabow 12ka asbuuc oo ugu horreeya uurka amam booqashadooda ugu horraysa dhakhtarka. Dumarka qaarkood ayaa laga yaabaa in dib looga baaro waraabow qaybta dambe ee uurkooda.

Maxaan samaynayaa haddii aan qabo waraabow?


• Jooji galmoodka, xataa iyada oo kondhom kuugu jiro, ilaa aad ka dhamayso daawada waraabowga.
• Haddii aad qabto waraabow, u sheeg qofkaad galmoodka wada samaysaan si loo baaro.

Dhakhtarkaaga ayaa ku caawin doona si aad go’aan uga gaarto u-sheegidda dadkaad u sheegayso inaad qabto waraabow.

Waraabowka ma lala tacaali karaa ama la daaweyn karaa?


• Haa, waraabow waa lala tacaali karaa ama la daweyn karaa iyada oo la isticmaalayo irbado. Mudada ay soconayso daaweyntu waxay ku xiran tahay heerka waraabowgu joogo. Xaqiiji inaad aado ballan kasta oo dhakhtareed.
• Kadib markaad dhamayso daaweynta waraabowga waxaa waajib ah inaad samayso baaritaan kale si aad u xaqiijiso in lagu daaweeyey.
• Dumarku waa qaada karaan daawada waraabow waqti ka horreeya uurka si loo joojiyo ilmuhu qaado waraabow
• Waad qaadi kartaa waraabow mar kale xataa haddii horay lagaaga daaweeyey waraabowga.

Sidee kaga xafidi karaa naftayda in aad qaado waraabow?


• Iska baar qofka aad galmoodka wada samaysaana ha iska baaro waraabow. Si joogto ah isaga baar waraabowga haddii aad hal qof ka badan la samayso galmood ama qofkaasi la sameeyo kuwa kale. Marka dadkaad galmoodka wada samaysaan ay bataanba, waxaa kor u kacaya khatarta aad ku qaadi karto waraabow.
• Iska baara adiga iyo qofkaad galmoodka samaysaan si aydin isugu gudbin waraabowga ama ugu gudbin dad kale.
• Isticmaal kondhoms waqtiga galmoodka siilka, futada ama afka, xataa qofkaad mudada wada samaynayseen haddii aad dad kale la samaynaysay.
• Kala hadal qofka kugu cusub wixii khuseeya isticmaalka kondhoms-ka hor inta aadan waxba la samayn.
• Galmood ha la samayn, xataa adoo isticmaalaya kondhom, qof qaba waraabow ilaa ay dhamaystaan daawadooda.

Sidee ku xaqiijin karaa in aanan u gudbin waraabow qof kale?


• Qofna ha la samayn galmood, xataa iyada oo kondhom la isticmaalayo, ilaa aad daawada dhamaysato.

• Si joogto ah isaga daaway waraabowga haddii aad qabto hal qof ka badan oo aad galmood samaysaan ama qofkaagu la sameeyo galmood dad kale. Waad gudbin kartaa waraabow mar kale.

Xagee ka helli karaa caawimo iyo talo?


Waxaad caawimo ka helli kartaa:

  • dhakhtar
  • rugta caafimaadka galmoodka
  • adeeggaa caafimaadka bulshada
  • xarumaha qorshaynta qoyska

More information