Waa maxay hibataytis C (cagaarshow C)

Hibataytis C waa fayras kaas oo beerkaaga ka dhiga mid buka. Cabitaanka khamra aad u badan, isticmaalida daroogada, nooc ka mid ah kiimikada iyo fayrasya kale ayaa ka dhigi kara beerka mid buka.

Beerkaagu caafimaadkaaga aad ayuu muhiim ugu yahay. Marka beerka wax la yeello ama la dhaawaco waxaa laga yaabaa in aanu si fiican u shaqayn kaana dhigo qof buka. Hebataytis C (cagaarshow C) waxaa mararka qaarkood loogu yeeraa “hep C”.


Sidee u qaadayaa hebataytis C?


Waxaad qaadi kartaa hebataytis C (cagaarshow C) haddii dhiig qof qaba fayraska hebataytis C (cagaarshow C) uu u gudbo dhiig wadayaashaada. Haddii xataa dhibcaha dhiigu ay aad u yar yihiin oo aan la arki karin, waxaad qaadi kartaa hebataytis Cda (cagaarshow C).

Xarakaadyada khatarta ah
• wadaagista irbadaha, silingaha iyo malgcadaha si loogu duro daroogo ayaa ah sida ugu badan oo lagu qaado hebataytis Cda (cagaarshow C)
• aallada taatooga oo aan la nadiifin, daloolinta jirka ama falal dhaqameedka
• habka maqaarka lagu dalooliyo qalab aan nadiif ahayn, irbadaha loo isticmaalo jir mudmudida ama ilkaha.
Kuwa khatartoodu hoosayso
• hooyada qabta hebataytis C (cagaarshow C) waxay u gudbin kartaa ilmaheeda waqtiga uurka ama ilma dhalida
• wadaagista buraashka ama garxiirka
• irbada oo si qalad ah u dhaawacda shaqaalaha daryeelka caafimaadka

Kama qaadi karto hebataytis C (cagaarshow C):
• wadaagista musqulaha ama qubayska
• dhididka ama dhiqida dharka qof qaba hebataytis C (cagaarshow C)
• wadaagista mindiyaha, malgacadaha, suxuunta iyo galaasyada
• cunida cunto uu kariyey qof qaba hebataytis C (cagaarshow C)
• hindhisada, qufaca, baashada ama is hag siinta
• berkadaha dabaasha
• qaniinyada xayawaanka ama xasharaadka (sida kaneecada)
Talaalada, dhiig isku shubida iyo hababka caafimaadka iyo ilkaha waa amaan Australia gudaheeda marka la raaco dhamaan qaanuunada iyo xeerarka.

Side ku ogaanayaa in aan qabo hebataytis C (cagaarshow C)?


Dadka badankood uma muuqdaan kuwa buka. Calaamadaha ugu weyni waa yaqyaqsiga. Sida ugu fiican oo lagu ogaan karaa waa in qofka laga qaadaa dhiig.

Goorka ayaan is baarayaa?


Weydiiso dhakhtarkaaga baaritaan haddii aad:
• weligaa isku durtay daroogo, xataa haddii ay ahayd xataa hal mar oo muddo hore ah. (daroogada waxaa ka mid ah mida jir dhiska ee jiimka)
• haddii weligaa lagugu xiray xabsi wadan kale ku yaalla
• Haddii lagugu talaalay xubin jireed ama dhiig lagugu shubay Australia gudaheeda wixii ka horeeyey 1990 ama wadan kale ka hor intay bilaabin barista hebataytis Cda
• aad leedahay wax taatuu ah ama daloolin maqaarka ah
• aad ka timid wadan leh dad aad u badan oo qaba hebataytis C sida Africa, Bariga Dhexe (khaasatan Masar), dhulka miditeeriyanka ku yaalla, Bariga Yurub, iyo Aasiyada Koonfureed
• hooyada qabto hebataytis C (cagaarshow C)
• aad tahay nin, qaba HIV oo aad ragga u galmooto
• qofkaad isu galmootaan qabo hebataytis C (cagaarshow C)

Maxaa fayraska hebataytis C (cagaarshow C) ee sameeyaa jirkayga?


Fayraska hebataytis C (cagaarshow C) wuxuu galaa beerkaaga wuxuuna ku sameeyaa fayrasyo badan beerkaaga gudahiisa. Beerku wuxuu la dagaalamaa fayraska ku jira beerka kaas oo waxyeelli kara beerka. Mararka qaarkood jirkaaga ayaa isagu la dagaalami doona dhamaan fayraska dhamaantiis. Taasi waxay dhacdaa lix bilood gudahood oo aad qaado fayraska.

Dadka badankiis jirkoodu lama dagaalami karo dhamaan fayraska. Sanada badan, beerku wuu dhaawacmaa wuxuuna yeeshaa xogniin. Taas waxaa loogu yeeraa siiroosis (cirrhosis) wuxuuna u keeni karaa beerka kansar iyo beerka oo shaqayn waaya.

Hebataytis C-da (cagaarshow C) ma lala tacaali karaa ama waa la daaweyn karaa?


Haa. Dhakhtarkaaga ayaa ku siin kara daawo lagu daweeyo hebataytis C (cagaarshow c).

Ma in aan u sheego dadkaa haddii aan qabo hebataytis C-da (cagaarshow C)?


Sharci ahaan waa inaad u sheegtaa dadkaan:
• haddii aad dhiig siinayso bangiga dhiiga
• haddii aad bixinayso organ jirkaaga ka mid ah (sida keli), ama qoyaan jirka ka soo baxay (sida shahwada)
• shirkadaha caymiska qaarkood ayaa ku weydiinaya haddii aad qabto hebataytis C (cagaarshow D) ama xanuuna kale. Haddii aadan u sheegin, waxaa laga yaabaa in aanay ku siin magdhowga
• haddii aad doonayso inaad ka qaybqaadato Ciidanka Difaaca Australia (Austarlian Defence Force), waa inaad u sheegtaa iyaga.
• Haddii aad tahay u adeegaha caafimaadka oo qaliina caafimaad iyada oo aadan arki karin gacmahaaga (sida dhakhtarka qaliinka ama ilkaha) waxaa waajiba inaad u sheegto shaqaalahaaga ama kormeeraha talana ka hesho dhakhtar takhasus ah.

Maaha inaad u sheegto:

• qofka ku xakuma
• qofkaad wada shaqaysaan ama kula fasalka ah
• qoyska
• saaxiibka

Dhakhtarkaagu uma sheegi karo qoyskaaga.

Sidee uga fogaadaa in aan qaado hebataytis C (cagaarshow C)?


• ha la wadaagin cid irbadaha, silingaha ama qaadada si aad isugu durto daroogo
• u dooro si taxadaran istuudiyaha taatuuga iyo ismudmudida. Isticmaal mihnadle haysta laysan. Xaqiiji inay u isticmaalaan irbad iyo khad cusub macmiile walba
• had iyo jeer isticmaal kondhom haddii aad leedahay hal qof oo aad u tagto, khaasatan haddii aad tahay nin u taga nin kale
• ka fogow dhiiga ama wixii ka yimid dhiiga wadamada aan baarin dhiiga lagu tabarucay
• cidna ha la wadaagin cadayga iyo garxiirta
• haddii aad tahay qof caafimaadka ka shaqeeya, had iyo jeer raac mustawayaasha taxadarka

Haddii horay hebataytis C (cagaarshow C) kuugu dhacday aadna qaadatay daawo lagu daaweeyo, weli hebabtaytis C (cagaarshow C) waa kugu dhici karaa mar kale.

Xaggee ka helli karaa kaalmo iyo talo?


Waxaa jira kooxa badan oo hebataytis-ka Australia gudaheeda si ay kuu siiyaan caawimaad, talo iyo kaalmayn.


Get support from the hepatitis community

More information