Waa maxay hebataytis B?

Hebataytis (Cagaarshow B) B waa magac fayras iyo buktada uu keeno.

Hebataytis B (Cagaarshow B) wuxuu ka dhigaa beerkaaga mid buka. Cabbitaanka khamra badan ayaa iyaduna sababta arrintaan; sidoo kale daroogada, kiimikooyinka qaarkood iyo fayrasya kale.

Beerkaagu waa u muhiim caafimaadkaaga. Marka uu dhaawacan yahay waxaa laga yaabaa in aanu si fiican u shaqayn wuxuuna kaa dhigi karaa mid buka.

Hebataytis B (Cagaarshow B) waxaa marmarka qaarkood loogu yeeraa “hep B”


Sidee ku qaadayaa hebataytis B (Cagaarshow B) ?


Hebataytis B (Cagaarshow B) waxaa la isugu gudbiyaa marka dhiiga ama dheecaanka galmoodka qof qaba hebataytis B-da (Cagaarshow B-da) uu u gudbo dhiigaaga. Waa kugu dhici kara hebataytis B (cagaarshow B) xataa haddii qadarka dhiigga ama dheecaanka galmoodku uu aad u yar yahay in la arko.

Ilmaha dhashay iyo carruurta dhalinta yar

• hooyada qabta hebataytis B (cagaarshow B) ayaa u gudbin karta ilmaha yar markuu dhasho haddii aan ilmaha degdeg loo talaalin.
• Ilmaha qaba hebataytis B qaba ayaa u gudbin kara ilma kale haddii aan ilmah ala talaalin, iyaga oo ku gudbinaya nabara ilmuhu leeyahay.

Dadka waaweyn

Waxaad ka qaadi kartaa hebataytis B (Cagaarshow B) :

• Cambarka, dabada ama afka kondhom la’aan
• Wadaagista irbadaha, silingaha ama qalabka kale ee isku durida sida malgacadaha
• Taatuu isku samaynta ama maqaar iskaga daloolinta qalab aan nadiif ahayn
• Wadaagista cadayga, garxiirka, ama qalabka cidiyaha
• Irbada oo si lama filaana kuu mudda ama dhiig sumaysan oo kugu firdha

Kama qaadi karto hebataytis B (Cagaarshow B) :

• is-habsiinta
• ismacsiinta
• wadaagista cuntada iyo qalabka cunida
• cunto uu diyaariyey qof qaba hebataytis B (Cagaarshow B)
• xasharaadka ama qaniinyada xayawaanka
• dhididka
• dhiqida dharka
• hindhisada ama quficida
• wadaagista musqulaha iyo qubayska
• berkadaha qubayska

Maxaan ku ogaanayaa haddii aan qabo hebataytis B (cagaarshow B)?


Dadka badankood ma laha calamaadaha mana dareemaan jiro. Sida keliya ee lagu ogaan karaa waa haddii la baaro dhiigooda.

Marka ugu horreeya oo aad qaado hebataytis B waxaa laga yaabaa inay dhacdo:
• hunqaaco
• xumad
• rabitaanka cuntada oo yar
• kaadidaada oo madoobaata
• xanuun beerka ah (feeraha hoostooda dhinaca midigta ah
• xanuun isgoysyada ah
• indhaha iyo maqaarka oo jaallo noqda (indhacaseeye)

Maxaa hebataytis B (Cagaarshow B) ku samaynayaa jirkayga?


Hebataytis B (cagaarshow B) wuxuu galaa unugyada beerkaaga wuxuuna ka dhigaa mid buka. Jirku hawl badan ayuu qabtaa si uu ula dagaalamo fayraska ku jira beerka. Dagaalkaasi wuxuu waxyeellaa beerk, sanada badan ka dibna, wuxuu joojiyaa in beerku shaqadiisa guto.

Dadka waaweyn badankood, jirku waa ka takhalusaa hebataytis B muddo 6 bilood ah marka dhibtu ku dhacdo dibna kuugu soo noqon mayo.

Carruurta yaryar iyo dadka waaweyn qaarkood, marar jirku waa la dagaalami karaa, hebataytis B-guna wuxuu ku negaan karaa jirka. Kan waxaa loogu yeeraa ‘hebataytis B xoogsaday’ wuxuuna dhalin karaa dhaawac beerka ah, dhaawac beerka ah (chirrosis) iyo kansarka beerka. Daawooyinku waxay hoos u dhigaan dhaawaca waxayna ka hortagaan kansarka beerka.

Maxaan samaynayaa haddii aan qabo hebataytis B?


Waxaa WAAJIB kugu ah inaad aragto dhakhtarkaaga lixdii ama laba-iyo-tobankii biloodba hal mar, xataa haddaad caafimaado. Sababtoo ah hebataytis B kaama dhigayo qof buka. Haddii aad dareento bukaanimo sababtoo ah waxaa ku dhacay beerka dhaawac.

Baaritaanka dhiigga ka sokow, waxaa laga yaabaa in dhakhtarkaagu codsado Fibroscan®. Fibroscan® waa iskaan laga qaado beerka kaas oo u sheegaya dhakhtarka dhaawaca beerka iyo nabarada beerka (cirrhosis) iyo heerka ay gaarsiisan yihiin. Ka dib dhakhtarka ayaa go’aansan doona haddii aad u baahan tahay daawo ama inaad aado goobta daaweynta beerka ama inaad aragto dhakhtar qaabilsan beerka.

Hebataytis B-ga (Cagaarshow B) ma lala tacaali karaa ama daaweyn karaa?


Haa, hebataytis B waa lala tacaali karaa.

Laakiin dadka qaba hebataytis B (hebataytis B) kulligood uma baahna daawo. Dhakhtarkaaga ayaa kuu sheegi doona haddii aad u baahan tahay daawo.

Daawadu daaweynmayso hebataytis B Cagaarshow B). laakiin waa xakamayn kartaa beerkaaga, hoos ayay u dhigi kartaa fursasda inaad ku qaado kansarka beerka waxayna caawintaa dayactirka beerka.

La hadal dhakhtarkaaga wixii ku saabsan daawada kuu fiican adiga.

Sidee u caawin karaa beerkayga?


• Cab khamra aan badnayn ama haba cabbin
• Cun cunto isu dheelitiran, mid wanaagsan, hana cunin wax dufan badan leh.
• Jooji ama hoos u dhig sigaar cabbida
• Jimicsi joogto ah samay
• Maaray welwelka kaalmana raadso
• U sheeg dhakhtarkaaga haddii aad qaadato wax daawo ah sida daawa dhireedka, fiitamiinada, daawooyinka jayniiska. Kuwaas qaarkood ayaa wax yeella beerka, khaasatan haddii wax badan laga qaato muddo badan.
• Ka ilaali naftaada infakshano kale sababtoo ah six un ayay u saamayn karaan caafimaadkaaga waxayna keeni karaan dhaawac soo gaara beerka:
– Iska talaal hebataytis A-da (cagaarshow A-da)
– Ha la wadaagin irbad ama malgacada si aad isugu durto irbada
– Isticmaal kondhom

Sidee uga fogaan karaa in aan qaado hebataytis B (cagaarshow B) ama cid ugu gudbin karaa?


Talaal

Talaalka ayaa ah sida ugu fiican oo lagu joojin karo hebataytis B in uu fido.
Aad ayuu amaan u yahay wuxuuna kaa xafidaa ilaa 95% markiiba.

Waxaad qaadanaysaa 2 ilaa 3 irbadood lixdii biloodba, iyada oo ku xiran da’daada.

Australia gudaheeda, dhamaan carruurta ka yar 1 ilaa 4 irbadood oo lacag la’aana muddo lix bilood ah.
Waxaa la soo jeedinayaa in carruurta jirta 10 ilaa 13 sano la talaalo kuwaas oo aan qaadan irbad carruu ahaan.
Haddii hooyadu qabto hebataytis B ilmuhu wuxuu qaadanayaa irbad siyaada ah 12 saac gudahood markay dhashaan. Tani waxay siinaysaa ilmaha difaaca ugu fiican. Marka carruurtu jiraan 9 bilood, waxay u baahan yihiin in la talaalo si loo xaqiijiyo inay difaacan yihiin hebataytis B-da.

Inaad ka fogaato inaad u gudbiso hebataytis B (Cagaarshow B) qof:

• xaqiiji in dadka aad xiriir dhow la leedahay in la talaalo
• Isticmaal kondhom
• ha la wadaagin buraashka cadayga, garxiir ama waxyaalla kale oo shakhsiyeed oo laga yaabo inay dhiig leeyihiin, kuwaas oo ay jiraan dhiig qalalan.
• ha u ogolaan dad kale inay taabtaan nabarada furan haddii aanay qabin galoofis.
• cid ha la wadaagin irbad, silinge ama qalabka isku durida daroogada
• ha siin dhiig, shahwad, xubno jireed ama cadad jireed
• kala hadal dhakhtarkaaga wixii la xiriira talaalada ilmahaagu u baahan doono haddii aad uur leedahay ama aad doonayso inaad ilma qaado.

Ma in aan u sheego dadbaa haddii aan qabo hebataytis B (cagaarshow B)?


• Waa inaad u sheegtaa qoyskaaga, dadkaad la nooshahay iyo qofkaad galmoodka samaysaan (ama dadka isu galmootaan) si loo baaro loona talaalo. Dhakhtar kaagu ayaa kaa caawimaya inaad samayso.
• Haddii aad doonayso inaad ka mid noqoto ciidamada qalabka sida, waxaa waajib ah inaad u sheegto.
• Waxaa waajiba inaad u sheegto shirkaadada caymiska. Haddii aadan lahayn, waxaa laga yaabaa inay ku siiyaan lacag haddii aad jirato ama dhaawacanto.

• Haddii aad tahay shaqaale daryeel caafimaad oo sameeya qaliin oo aadan arki karin gacmahaaga (sida dhakhtarka qaliin ama ilka yaqaan), waa inaad u sheegtaa qofkaad u shaqayso ama kormeeraha aadna heshaa talo dhakhtar takhasus ah.

Maaha inaad u sheegto qofka madaxda kuu ah, dadka aad la shaqayso ama wax la barato ama saaxiibadaa.

U Sheegidda dadka sida dhakhtarka ilkaha waxay caawimaysaa inay ku siiyaan daryeelka caafimaad ee ugu fiican, laakiin taasi aday kula jirtaa. Haddii aad go’aansato inaad u sheegto, umana sheegi karaan qof kaleeto.

Waxaa laga yaabaa inaad rabto inaad la hadasho dad fahmi kara kuna caawin kara. Qaado waqtigaaga inaad go’aan ka gaarto cidda aad u malaynayso inaad aamini karto.

Xaggee ka helli karaa caawimo iyo talo?


Waxaa jira kooxo badan oo hebataytis B-ga (cagaarshow B-ga) Australia gudaheeda kuwaas oo ku siin kara talo kuna caawin kara.


Get support from the hepatitis community

More information